Mareykanka Oo War Ka Soo Saarey Diyaarada Boeing 737 Max 8
March 12, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo ka dib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah.
Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd.