Al-Shabaab Oo Ku Dhawaaqday Inay Dishay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Mareykanka
March 12, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.
Al-Shabaab waxay xaqiijisay inay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhaawacday 2 askari.
” Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Shabeelaha Hoos waxay Al-Shabaab khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Mareykanka, waxaan muslimiinta ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al Shabaab.