Baarlamaanka Britain Oo Markale Niyad Jabiyay Raysal Wasaare Theresa May
March 13, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Xildhibaannada Britain ayaa ka soo horjeedsaday qorshihii u dambeeyay ee dawladdu ay ku doonaysay in looga baxo Midawga Yurub.
Ra’iisulwasaare Theresa May ayaa xaqiijisay in Baarlamaanku ay Arbacada u codayn doonaan in dalka uu Midawga Yurub ka boxo isagoon wax heshiis ah la galin Midawga Yurub. Haddii ay qorshahaas diidaanna ay xildhibaannadu Khamiista u codayn doonaan in dib loo dhigo qorshaha ka bixitaanka Midawga Yurub.
Maalin si wanaagsan ugu soo bilaabatay ra’iisalwasaare Theresa May ayaa ku dhamaatay guul darro iyo niyad jab. Mss May oo khubad ka hor jeedinaysay baarlamaanka ayaa sheegtay in ay aad uga carootay natiijadaasi.