Madaxweyne Erdogan Oo Ka Jawaabay Damaca La Rabo In Dib Kiristanku UguQabsadaan Magaalada Istanbul
March 20, 2019 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka jawaabay damaca kooxaha xagjirka caddaanka ah uga jira in magaalada Istanbul ay dib ugu noqoto gacanta Kiristanka.
Erdogan ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu qeyb ka ahaa howl-gal ballaadhan oo lagu badhtilmaameedsanayey Turkey.
Erdogan, oo u ololeynayey doorashada dowladaha hoose ee Turkey ee dhacaysa bishan, ayaa sheegay, in weerarka uu qeyb ka ahaa weerar ballaadhan oo lagu soo qaaday Islaamka.
Weerarkaas oo lagu dilay 50 qof oo muslimiin ah, ayaa waxaa fuliyey nin Australian ah oo aaminsan in dadka caddaanku sarreeyaan, kaasi oo muslimiinta ugu yeedhay “duullaan”
“Tani ma ahan hal dhacdo oo kaliya, waa wax abaabulan” ayuu yidhi Erdogan oo ka hadlayey magaalada Canakkale ee galbeedka Turkiga, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah.
“Waxa ay nagu tijaabinayaan farriin ay kasoo dirayaan dalka New Zealand, meel 16,500km u jirta halkan” ayuu yidhi.
Erdogan iyo saraakiisha Turkiga ayaa cambaareeyey weerarka oo ay ku sheegeen inuu astaan u yahay Islaam naceybka ay Reer Galbeedka iska indho-tireen.
Ninka weerarka fuliyey ayaa baahiyey qoraal uu ku muujiyey damaciisa ah inuu arko in magaalada Istanbul ay dib u noqoto gacantii Kirishtanka iyo magacii Constantinople ee loo yaqiin ka hor inta aysan qabsan Cusmaaniyiinta.
Fikradda uu qabo waa sidoo kale tan ay aaminsan yihiin caddaanka xagjirka ah ee aamnisan in caddaanka ka sarreeyaan dadka kale, islamarkaana doonaya in Istanbul ay dib ugu soo laabato gacanta Kirishtanka.