Warar Dheeraada Oo Laga Helayo Xaalada Magaalada Muqdisho Iyo Shaqaalaha Beesha Caalamka Iyo Ajaanib Kale Oo Ka Baxaya
March 21, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xaalada Amaan Ee Goobaha ay gacanta ku hayaan maamulka madaxwayne farmaajo Ayaa kasii daraysa kadib markii ay 24 Sacadood ee lasoo dhaafay ay iskaga baxeen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaanibka ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Gobalka Banaadir.
Wararka laga helay magaalada muqdisho ayaa tibaaxay in Sirdoonka ajaaniibta ah ee ku sugan Xalane ay sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane.