berberatoday.com
Wadamada Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dhalmo Yarida Dadkooda Iyo Soo Galaytiga Sida Xawliga Ah Ugu Dhalaya Caruuraha Wadamadooda
March 21, 2019 - Written by admin

Oslo(Berberatoday.com)-Tiro aad u yar ee qoysaska Yurub oo doorta inay carruur badan dhalaan. dalalka  EU/EØS midkoodna hadda uma dhawo inuu tirada dadkiisa isku dheeli tiro.

Keliya waa dadkii oo duqoobaya- Soogalooti – oo dalalkaa yurub ku sii siyaadaya.

Iyadoo Ra’iisul wasaare Erna Solberg ay khubadeedii sannadka cusub kaga faa’iidaysatay tirada dhalmada oo ku yar dadka noorweejiga oo ay baaq ka soo saartay ayaa waxaa soo baxaya in dhammaan dalalka yurub ay arrintaas ka wada siman yihiin.

Dalku wuxuu u baahan yahay celcelis ahaan qiyaastii 2,1 cunug si meeshiisa loogu hayo tirada shacabka dalka, balse tiro soo baxday sannadkii 2018 ee dhawaan dhamaaday ayaa muujisay in noorweejigu ay dhalaan wax ka yar intii loo baahnaa. Taasoo markii ugu horeysay ay dhasheen tiro ka yar 1,6 cunug gudaha Norway, waxayna ku soo gebagebowday 1,56 cunug.

Arrinta carruur yaraantu ma ahan wax gaar u ah noorweejiga: oo tirakoob cusub oo ay samaysay Eurostat ayaa muujiyey in celcelis ahaan uu heerka dhalmada ee dalalka EU/EØS uu ahaa sannadkii 2017 tiro ku siman 1,57 cunug qoyskii, taasoo shan sano ka hor ahayd 1,66.

Waxay sheegtay Eurostat tirakoobkani uu xusayo in hal dal oo keliya ay haweenku dhalaan wax ka badan labo carruur ah kaasoo ah Turkiga laakiin waxay sidoo kale xuseen in 2017 Turkiga qudhiia ay tiradu ka hooseysay 2,1 cunug.

 

 

 

Sources Somaliska Oslo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews