Eedaanka Salaada Jimcaha Oo Maanta Laga Baahinayay Warbaahinta Dalka New Zealand
March 22, 2019 - Written by admin
Christchurch(Berberatoday.com)-Ra’iisul Wasaaraha New Zealand haweeneyda la yidhaahdo Jacinda Ardern, ayaa shaacisay tallaabooyin ay qaadayso Jimcaha soo aaddan si ay garab istaag ugu muujiso dadka Muslimiinta ah.

Wareysi ay siisay Aljazeera ayaa waxey hoosta ka xariiqday in warbaahinta laga sii deyn doono aadaanka salaadda Jimcaha ee soo aaddan, iyadoo arrintaa looga golleeyay in garab istaag loo muujinayo muslimiinta.