Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Dhaliilay Tayada Shirkada Dhismaha Ee Al-Najax
March 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale “Qambi“, ayaa si adag u dhaliilay shirkadaha dhismaha ee dalka ka hawl gala.
Wasiir Qambi oo ka hadlayey munaasibad ay qabsadeen arday ka baxday kuliyada Injineerinka ee jaamacada Hargeysa ayaa sheegay inaanay tayo lahayn dhismayaasha ay hirgeliyaan shirkadaha dalka ka shaqeeyaa.
“Shirkadaha dhismaha ee dalka oo gaadhaya 1500 oo shirkadood ama 200 gaadhaya waxaa ka shaqeeyaa sodoneeyo, kuwaas oo laftirkoodu aanay lahayn qorshe rasmi ah, waxaana halkaas fadhiya shirkada Dhismaha ee Al Najax oo ay Wastaado dhex yuururaan in wax badan la qabtana ay u baahan yihiin.”