Gabadh Kale Oo Somali Ah Oo Xil Sare Ka Qabatay Mareykanka
March 22, 2019 - Written by admin
Minnasota(BErberatoday.com)-Canab Guuleed oo ka mid ah Soomaalida daggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay xil sare oo qeyb ka ah maamulka gobolka.
Gabadhan ayaa loo magacaabay jagada kaaliyaha wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnasota, inkastoo markii hore ay u xusul duubeysay in wasiir ku xigeen laga dhigo.
Wareysi gaar ah oo lala yeeshay ayey Canab sharraxaad uga bixisay sida loogu magacaabay xilkan iyo waxa ay ku muteysatay.