Laba Ka Mid Ah Musharaxiintii Isbahaysiga KULMIYE Iyo Xubno Uu Wakiishay Guddoomiye Muuse Biixi Oo Wadahadal U Furmayo Maanta
January 31, 2016 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee maaliyadda somaliland mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa musharaxiintii qaadacay shirweynihii golaha dhexe ee sanadkii hore lagu doortay Guddoomiye Muuse Biixi cabdi inuu noqdo Musharaxa weynaha ee Xisbiga KULMIYE doorashooyinka 2017 , ayaa markii ugu horaysay la kulmaya xubno uu soo wakiishay Guddoomiye Muuse biixi cabdi .