Al Shabaab Oo Shaacisay Laba Arimood Oo Ay Shalay U Weerartay Wasaarada Shaqada
March 24, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Kooxda Al-Shababa ayaa war kasoo saartay weerarkii ay shalay maleeshiyada kooxdaas ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, oo ku taalla degmada Shangaani ee Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Al-Shabaab ay laba sabab dartood u beegsadeen xarunta wasaaradda,
Abu Muscab ayaa sheegay in xarunta ay ka socdeen laba shaqo oo sida uu sheegay qalad ah.
Tan koowaad, ayuu ku sheegay, inay tahay qorista ciidamo la dagaalamada kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale ciidan kale oo ah sirdoon dharcad oo basaasa culumaa’udiinka magaalada Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.