“Dekedda Berbera Iyo Kastamka Kala Baydh Waa Hanti Qaranku Leeyahay, Xoolaha Lagu Cashuuraana Waa Hanti Ka Dhaxaysa Ganacsatada Somaliland Oo Aan Cid Gaari Sheegan Karin, Sidaa Darteed Waa In Cashuurta Ka Baxaysana Loo Sinnaadaa”Mayarka Burco Maxamed Muraad”Daawo Muuqal
March 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaanada Golaha deegaanka Burco ayaa cabasho ka dhan ah xeer 23/2002 iyo 12 oo qeexa qaab maamulka cashuuraha dawladda dhexe ku soo celiso degmooyinka u gudbiyay shir guddoonka golaha wakiilada maanta.
Xildhibaanada uu horkacayo maayirka Burco ayaa sheegay in xeerkaasi aannu u caddaalad samaynayn oo uu u kala sadburinyo degmooyinka dalka.
Qoraalka ay gudbiyeen ayaa qayb ka mid ah lagu yidhi.
” Dekedda Berbera iyo Kastamka kala Baydh waa hanti qaranku leeyahay, xoolaha lagu cashuuraana Hanti ka dhaxaysa ganacsatada Somaliland oo aan cid gaari sheegan karin, sidaa darteed waa in cashuurta ka baxaysana loo sinnaadaa oo aanay la mid noqon cashuuraha Ardiyada, Liisamada, digada xoolaha, cashuur dejinta Badeecadaha……”
Xildhibaanada Burco ayaa qoraalkooda hal-ku dhig uga dhigay ” Rag caddaalad waayay sida Cawsha kala yaac”
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Shirgudoonka Golaha Wakiilada Iyo Mayarka Burco Oo Arimahaas Faahfaahinaya.