|
berberatoday.com
Haayada HALO TRUST Oo Sheegtay Inay Somaliland Ka Dhamayn Doonto Khatarta Miinada Sanadkan 2019
March 25, 2019 - Written by adminHargeysa(Berberatoday.com)-Hey’adda HALO TRUST ee ka shaqeysa arrimaha miino saarka ayaa sheegtay in khatarta miinooyinka ay ka dhammaan doonnaan Somaliland badhtamaha sannadkan 2019. Halo trust waxa ay tilmaantay in ay dhulka ka soo saartay isla markaana burburisay 4,570 oo ah nooca miinooyinka wax halligga ee ciidda lagu aaso. Sidoo kale, waxaa ay hey’addu tibaaxday in ay soo burburiyeen 33,100 oo ah qumac hubka ee aan wali qarxin kaas oo qatar badan keeni kara. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid xaqiijineysa in 51,000 oo qof oo ku nool dhulka miinada laga saaray ay hadda ka ammaan galayaan waxyeellada banbaanooyinka laayaanka ah, islmarkaana la furay surimo ay isticmaalaan dad gaadhaya 60,000 kuwaas oo horay looga maagay miinooyinka dartood. Xigasho: Mohamed Dhoore COMMENTS
|
||||
|
|
|||||