Xaalad Laga Dayriyay Oo Ka Taagan Degmada Xudun Ee Gobolka Sool
March 25, 2019 - Written by admin
Sool(Berberatoday.com)-Kumanaan qoys oo ku dhaqan degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa laga dayrinayaa kadib markii abaar aad u daran oo degaankaas ka taagan.
Biyo la’aan iyo baad la’aan ayaa isugu darsamay taas oo haatan adkaysay nolosha dadka reer guuraaga ah iyo kuwa magaalooyinka ku noolba.
“Biyihii way yaraadeen kuwii ceelasha laga helayeyna way adkaadeen taasina waxay sababtay in ay adkaato cabidoodu” sidaa waxaa sheegay Axmed Cali Faarax oo ah hawl wadeen u shaqeeya hayadda Candlelight oo ku sugan tuulada Laasa-curdan.