Daawo Muuqalka”Ururada Bulshada Rayidka oo Gudiga Dooroshooyinka Ugu Baaqay Inay Is Casilaan
March 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururada bulshada rayidka ah ee Somalilad oo maanta kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadley arimo ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka.
Guddoomiyaha dalada aan dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo u hadlayay ururada bulshada rayidka ah, oo ka hadley kulankii dhexmaray gudida doorashooyinka iyo Golaha Guurtida ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi ay uga cadaatay in wax doorashooyin ah oo qabsoomayaa aanay jirin islamarkaana ay gudida doorashooyinka gabi ahaanba is casilaan.