Jigjiga”Hooyo Iyo Afar Carruur Ah Oo Ay Dhashay Oo Ku Dhintay Qarax Bam
March 26, 2019 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay degmada Dhagax Madow ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay ku qaraxday bir ay muddo dheer manaafacaadsan jireen, sida ay dad qaraabada ah u xaqiijiyeen Shabakada Wajaalenews.
Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhawaac meen qaraxan.
Birtan oo la sheegay in qoyskaasi tib mooye ahaan u adeegsan jireen muddo dheer ayaa qaraxday ka dib markii mid ka mid ah caruurta dhimatay uu bir kale ku guraacay.