Gaadiid Qaraxyo Ka Buuxaan Oo Soo Galay Muqdisho & Digniino Laga Soo Saaray
March 27, 2019 - Written by admin
Moqdisho (Ilays-News):- Cabsi xoogan iyo hadal heyn dhanka amaanka ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo dadka ay hadal hayaan xaaladaha dhanka amaanka ee Muqdisho.
Fariimo digniino ah ayaa aad loo hadal hayaa kuwaasi oo lagu sheegay in gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ay soo galeen magaalada Muqdisho, taasi oo cabsida dhanka amaanka ah dhalisay.
Qoraalka digniinada ah ee aad loo hadal haya ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan amaanka UNDSS, walow warar soo baxaya ay sheegayaan in digniinaha ay ahaayeen kuwo hore loo baahiyay, waxaana la sheegay in afar gaari oo qaarkood ay yihiin kuwo waaweyn ay soo galeen magaalada Muqdisho.