Gudida Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Jawaabay Baaqi Ururada Bulshada Ee Ahaa Iscasila
March 27, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir iimaan ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF oo soo jeedisay inay guddida doorashooyinku is casilaan.
Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in muddo xileedkoodu aanu ka dhamaan, isla markaana aanay jirin sabab ay isku casilaan, waxaanu ku eedeeyey gudoomiyaha dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF inay ka hor yimid xeerarka dalka u yaalla oo isagoo xog ka helin dhinacyadii ay khuseysay warbaahinta ka sheegay inay kuraasta baneeyaan guddida doorashooyinka.