Somaliland”Amar Lagu Soo Rogay Shaqaalaha Dawladda
March 27, 2019 - Written by admin
Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle), ayaa War Qoraal ah oo uu Maanta soo saaray ayaa shaqalaha dawladda faray inay isticmaalaan kaadhadhka aqoonsiga ee xarumaha dawladda ay uga shaqeeyaan.
Sharmaarke Geelle ayaa shaqaalaha Dawladda uga digay inay dhayalsadaan Kaadhadhka Caddaynaya inay shaqaale Dawladeed yihiin, waxaanu u soo jeediyey in qof kastaaba uu kaadhkiisa sito inta uu shaqada ku jiro “Sida aad la socotaan dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay qaybisay kaadhka Aqoonsiga Shaqaalaha Dawladda JSL kaasi oo leh tixraac iyo summad gaar ahTallaabadan ayey muhiimaddeeda ka mid ahayd in Shaqaalaha Dawladdu yeeshaan baadi-sooc ay kaga duwan yihiin shacabka adeegga u soo doonta xarumaha Dawladda sida oo kalena qayb weyn ka qaadanaysa in shacabku u aqoonsado Shaqaale-dawladeed oo mudan in loo hoggaansamo. Sidaa darteed, laga bilaabo maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 30/03/2019 waxa dhammaan waajib ku ah Shaqaale walba oo Dawladeed in uu isticmaalo aqoonsigiisa Shaqaalenimo inta uu ku gudo jiro saacadaha Shaqada.”