Duuliye Diyaaradeed Halyay Ahaa Oo Geeriyooday
March 28, 2019 - Written by admin
Paris(Berberatoday.com)-Michel Bacos oo ah duuliye u shaqayn jiray shirkadda Air France oo lagu tilmaamay in uu halyay yahay, markii uu diiday in uu isaga tago rakaabkii uu waday ka dib markii ay diyaaraddiisa afduubteen dad Falastiiniyiin iyo Jarman kala ah ayaa Faransiiska ku geeriyooday isaga oo 95 jir ah.
Diyaaraddaas oo waday 260 ruux ayaa ka duushay magaalada Tel Aviv waxayna ku sii jeeday magaalada Paris balse waxay ku sii hakatay magaalada Athens halkaas oo afduubeyaashu ay diyaaradda galeen dalbadeenna in ay safarkeeda badasho.