Xeraada Qaxootiga Somalida Ee Dhadhaab Oo Lasheegay in La Xidhayo
March 28, 2019 - Written by admin
Kenya(Berberatoday.com)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay in gabi ahaanba la xidhayo xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya, halkaasi oo hoy u ah in ka badan 230,000 oo qaxooti Soomaali ah.
Warbaahinta Kenya ayaa heshay dhukuminti ku saabsan xidhista xeradan qaxootiga, islamarkaana Kenya ay gabi ahaanba albaabada isugu dhufan doonto bisha Ogost ee sanadkan.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa hore u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin.
Sidoo kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka kuwa kale dib u dejin loogu sameyn doono Gudaha Kenya ama dal saddexaad.