Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Maqaayada Filsan oo u dhaw Hotel Wehliya,waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay ay goobta aheyd mid aad mashquul u ah oo dad badan ay joogeen.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhimashada inta hadda la xaqiijiyay iney tahay 10 Ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wali waxaa soconaya gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Wixii ku soo kordho warkan kala soco allsbc.com