Jigjiga”Xildhibaan Deegaankii Laga Soo Doortay Laba Qof Toogasho Ku Dilay Iyo Sababta
March 28, 2019 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Xildhibaan lagu magacaabo Bashiir Diiriye Camey oo katirsanaa Xildhibaano Goboleedka Somalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa labo ruux ku dilay degmada Jarati oo laga soo doorto sida ay ku warrantay Idaacada BBC-da Laanteeda Afsomaliga.
Xildhibaankan ayay idaacada BBC-du Sheegtay inuu haystay Qor AK47 Iyo Bastoolad Usharciyaysnayd kuwaas uu dilka ku fuliyay.
Labada qof ee la dilay iyo xildhibaanka ayaa la sheegay in ay isku haysteen dhul beereed mudo uu muran ka dhexeeyay.