Maareye Kuxigeen Loo Magacaabay Haamaha Shiidaalka Berbera
March 28, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Cafaan Xaamud Cabdoo oo kamida Carabta Berbera ee qadiimka ah ayaa loo soo magacaabay Maareye Kuxigeenka Keydka Haamaha Shiidaalka Berbera.
Waxaana Xilkaas umagacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi sida uu noo xaqiijiyay masuulkan Xilka loo magacaabay oo aanu khadkla Tilifoonka kula xidhiidhnay.
Haamaha Keydka shiidaalka uu Maareye ka yahay Xasan Axmed Ambasy ayaan hore ulahayn Maareye Kuxigeen.
