Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabey Taliyayaal Ciidan
March 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf u magacaabay taliyaha ciidammada asluubta Somaliland.
Sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa hore u ahaa Abaanduulaha koowaad ee ciidamada qaranka Somaliland.
Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi uga mahadceliyay muddadii uu qaranka u shaqeeyay.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Somaliland loo magacaabey xilkii uu hore u hayey taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaliland ee ahaa abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka Somaliland