Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Magaca Qofkii Isku Qarxiyay Wasaarada Shaqada Ee Somaliya Iyo Beesha Uu Ka Soo Jeedo
April 1, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Al-Shabaab ayaa baahisay magaca ninkii isku qarxiyay dhismaha xarunta Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee degmada Shingaani, halkaasoo Todobaadkii la soo dhaafay ay weerareen.
Ninka is qarxiyay oo da’diisa lagu sheegay 17 sano jir ahaa waxaa magaciisa rasmiga ah lagu sheegay Jimcaale Yare Shalaboow, Shabaab dhexdiisana waxaa looga yaqaanaa Sufiyaan, kaasoo ka soo jeeda Beesha Ogadeen ee degta Magaalada Salagle ee ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.
Wareysi uu siiyay Idaacadda ku hadasha Afka Shabaab ee Andaluus, ka hor inta uusan is qarxin ayuu ku sheegtay inuu hore uga tirsanaa Ciidanka Jabhada Shabaab ee Sh/Dhexe ka dagaalama, muddooyinkii dambena uu ka tirsanaa Guutada Is qarxinta.