berberatoday.com
Sadex Ruux Oo Haraad Ugu Geeriyooday Gobolka Sanaag
April 1, 2019 - Written by admin

Ceel-afweyn(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyey Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday degaanka Laas-dumeera oo hoos-taga degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Dadkan oo dhammaantood ahaa Dad Waayeel ah ayaa la xaqiijiyey inay u Geeriyoodeen Harraad iyo Gaajo ka dhalatay Xaalad adag oo ka taagan deegaannadaasi.

Haydh-tuulaha Laas-dumeera oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey Geerida Saddexda Qof, sidoo kalena wuxuu ka warramay Xaaladda adag ee degaankaa ka taagan, taasi oo ay ugu culus tahay biyo la’aantu.

“Allaah ha u naxariistee, Islaan la odhan jiray Cosob Maxamuud oo ahayd Dadkii Xooluhu ka baxeen ee aan xoolo ku hadhin, waxay qaadan jireen Raashinka WFP-da, Hay’ado kalena may arag, Raashinkiina waa laga jaray, way xanuunsatay, markay Xanuunsatayna Macaluul iyo Jal la’aan ay u dhimatay..” ayuu yidhi, Haydh-tuulaha Laas-dumeera, waxaanu intaa ku daray “Islaantaas oo keliya maaha, ee illaa saddex Islaamood ayaa labadan Toddobaad u geeriyooday Macaluul iyo biyo la’aan..”

Haydh-tuulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan degaankooda ay la socodsiiyeen Maamulka Degmada Ceel Af-weyn, waxaanu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland “Madaxweynaha waxaanu kaa codsanaynaa inaad Dadkan u soo dirto Biyo iyo Baad iyo Xaqiiqo raadinba..” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Xaalad Abaareed oo u badan Biyo la’aan ayaa ka taagan degaanno badan oo Somaliland ka mid ah, ha ugu sii darnaadaan Gobollada barigu’e.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews