Caruurta Wariye Khaashuqji Oo La Siiyey Guryo Iyo Lacag Malayiin Dollar Ah
April 3, 2019 - Written by admin
Jiddah(Berberatoday.com)-Dowladda Sacuudiga ayaa caruurta suxufigii la dilay ee Jamal Khaashuqji siisay guryo ku fadhiya malaayin dollar, islamarkaana bil walba u qortay kumanaan dollar, sida uu qoray wargeyska Washington Post.
Khaashuqji, oo cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga islamarkaana wax ku qori jiray Washington Post, ayaa bishii October ee 2018 lagu dhex dilay kadibna meydkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Lacagta loo qoray caruurta Khaashuqji – oo ah laba wiil iyo laba gabdhood – ayaa “qeyb ka ah dadaal ay dowladda Sacuudiga ku dooneyso in heshiis waqti dheer ah la gasho xubnaha qoyska Khaashuqji, kaasi oo lagu xaqiijinayo inaysan si shaacsan uga hadal dilka aabahood”, sida uu qoray Washington Post.