Magacii Iyo Astaantii Xisbiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo La Badalay
April 3, 2019 - Written by Berbera Today
Jig Jiga(Berberatoday.com)-Waxaa si buuxda loo ansixiyay badalida magaca Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana lagu badalay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, halka markii hore uu ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale waxaa la badalay Astaantii Xisbiga oo lagu celiyay Astaantii hore oo la badalay xilligii Cabdi Maxamuud Cumar, xilligaas oo guud ahaan Astaamihii Soomaalinimo lawada badalay balse hadda dib loo soo celiyay.