Madaxweynaha Putland Siciid Denni Oo Sheegay Inuu Ixtiraamayo Heshiiyada Xukumadii Gaas La Gashay Shirkada DP World Ee Dekeda Bosaso
April 6, 2019 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland ee soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa soo bandhigay go’aan uu ka qaatay heshiis uu madaxweynihii ka horeeyey la galay shirkada DP World ee laga leeyahay dalka imaaraadka.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay inuu ixtiraamayo heshiiska lala galay shirkada DP World ee ay ku maamusho dekeda magaalada Boosaaso iyo heshiisyada kale ee dawliga ah ee ay gashay xukuumadii ka horaysay ee maamulka Puntland