Ka hor intii aanan loo qaadin safarka 300 km ah ayaa lagu muday irmad suuxinta ah, waxaana lasii dhexmarsiiyay dalka Israa’iil oo ah sababta koowaad ee lagala qaxayo xayawaanka.
Amiir Khalil oo u hadlay hay’adda lagu magacaabo Raadka Afar-saanle ama Four Paws ayaa sheegay in meeshii lagu hayay ay aad ugu yaraadeen, iyada oo meesha looga tagay shimbiro oo kaliya.
Kayntan oo la furey sannadkii 1999 ayaa sannadkan horaantiisii kusoo baxday wararka warbaahinta kadib markii shaqaalaha ay libaax ciddiyaha uga siibeen biinso ama qalab aanan loogu talogalay si libaaxa uu ula ciyaaro dadka meesha soo booqda oo uusan u xaganin.
Israa’iil ayaa ansixisay dhoofinta xayawaankan
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay in xayawaanka la daadgureeyo, waxayna sheegeen in kaynta ay ahayd meesha kaliya ee ay tagaan si ay ugu nafisaan.
Magaalada Qasa ayaa waxaa saaran go’doon dhinac kasta , iyada oo duqeymaha iyo weerarada ay yihiin kuwa joogto ah.
Dadka ku nool magaaladan ayaa aad looga deyrinayaa xilli ay wax kasta gabaabsi yihiin.