Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay dib ugu soo celisay gaadhigii ay lahayeen ilaalada Gudoomiye Ciro iyo direys Ciidan oo saarnaa kadib markii ay dhawr maalmood ka hor ay wiish ku qaadatey dawladu
Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo shabakada Ilaysnews.com la xidhiidhay waxay u sheegen in xukuumadu ay arintaas raali galin ka bixisay isla markaana ay gaadhiga dib ugu soo celisay Guriga gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro
Maalin ka hor ayey aheyd markii afhayeenka xisbiga Waddani uu xukuumada ugu hanjabey in gaadhiga ilaalada Gudoomiye Ciro ay dib u soo celiso muddo 24 sacadood ah