Madaxii Hoggaanka Ciidanka Qaranka Oo Xilkiisa Ku Waayay Arrin La Xidhiidha Gaadhiga Gudoomiye Cirro
April 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa xilkii ka qaaday madaxii hoggaanka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Mujaahid Cali Rooble Bulaale.
Qaar kamid ah ehelada sarkaalkan Gaashaanle Sare Mujaahid Cali Rooble Bulaale ayaa wargeyska Waaberi u xaqiiijiyey in xilkii sarkaalkaasi laga qaaday, waxaanay sheegeen in ay la xidhiidho war-qada ogolaanshiiyaha ah ee uu u qoray ilaalada Cirro inay 16 xabo oo dirayska loogu deeqay kasoo qaadan karaan Saylac.