Cudur Dalka Mareykanka Si Xoog Ah Ugu Faafaya Iyo Nooca Uu Yahay
April 10, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Waxaa sii kordhaya tirada kiisaska la xidhiidha cudurka jadeecadda ee laga helayao gudaha dalkaan Mareykanka, iyadoo saraakiisha gobollada qaar ay arrintani ku qasbeyso in ay qaadaan tallaabooyin aanan caadi aheyn.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in kiisaska ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay ee ah carruurta uu ku dhacay cudurka jadeecada ee dalkaan Mareykanka ay mareysa 465, halka todobaadki hore ay ka aheyd 387 kiis.
Duqa magaalada New York, Bill de Blasio ayaa Talaadadi shalay xaalad deg deg ah kusoo rogay afar xaafadood oo ay ku badanyihiin bulshooyinka yahuudda ee diinta ku adag, xaafadahaas oo ku yaalla degmada Brooklyn. Dadkaani qaar ayaa diiday in ay tallaalaan carruurtooda.