Goorma Ayuu Hargeysa Imanayaa Danjiraha Mareykanka Somaliya U Fadhiya
April 11, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaalida danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu socadalkiisu noqon doonaa kii u horeeyay ee uu Hargeysa ku yimaado tan iyo markii bishii julay ee kal hore xilkan loo magaaabay.
Danjire Yamamoto oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika isagoo hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay dad badan oo ay ku jiraan khubaro Maraykan ahi ku dhaliileen danjiraha sababta uu u soo booqan waayay Somaliland.