Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.
Milateriga ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha.
Xil ka tuurista Mr Bashiir ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la’aan bilowday bishii Diseembar kuwaas oo ka kacay sicirka oo sare u kacay. Ugu yaraan 38 qof ayaa la dilay intii ay dibadbaxyadu socdeen.
Mr Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007.
Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan, kaas oo si weyn uga soo shaqeeyay in dibadbaxyadu ay dalka ku baahaan, ayaa sheegay in g’aanka Mr Ibn Cowf uu xilka ku banneeyay uu yahay mid “taariikhi ah” oo u soo hoyday dibadbaxayaasha.
Dibadbaxayaashu waxa ay dalbanayaan in xukuumad madani ah xilka lagu wareejiyo ka hor inta aanay guryahooda ku laaban.