Ururka Daryeelka Bulshada Iyo Xayawaanka Ee (SAWS) Oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Ay Kaga Soo Horjedaan Eyda Lagu Laynaayo Borame
January 31, 2016 - Written by Berbera Today
UJ: Warsaxaafadeed
Ururka daryeelka Bulshada iyo Xayawaanka ee loo yaqaan SAWS waxa uu Canbaaraynayaa si wayna uga soo Horjeedaa Qorshe Dawlada Hoose ee Degmada Boorama ku doonayaan in ay ku sumeeyaan ayda ku dhaqan magaaldaa,
Ururka SAWS Waxa uu warsaafadeedkan ka soo saaray Xafiiska uu ku leeyahay Magaalada Hargeisa, Kaas oo tilaamaya in dhaqan wanaagsan aanay ahayn in si Arxandaro ama waxshinimo ah loo xasuuqo xayawaanka dadka la nool sida ayda, iyadoo la adeegsanayo habab qaldan oo aan sharci ahayn sida sumaynta, Ururku waxa uu leeyahay, Arintan waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo caafimaad darro ah taasoo gaadhi karta Buldhada ku nool Deegaankaas, Sumayntaas oo hore looga soo joogay khataro caafimaad