Dhammaan Basaska Dadweynaha Hargeysa Oo Sameeyay Shaqo Joojin Iyo Sababta Keentay
April 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Basaska ka hawla gala gudaha magaaladda hargaysa ayaa saaka joojiya shaqo joojin balaadhan marka laga reebo kuwa jigjiga yar oo iyagu aanu saamayn cabashadda ay qabaan basaska kale ee u baxa dhamaan degmooyinka hargaysa.
Basaskan ayaa waxa ay ka cabanayaa gadiidka yarayar ee tagaadisa kuwaas oo ay shegeen inaan loo samayn wax xad ah madaama oo gadiidka yaryari ay hadda la waregeen dhamaan shaqadoodii ay dadwaynaha u hayeen.
Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadayaan shaqo joojinta ilaa wax laga qabanayo cabashadooda oo ay dhawr jeer u gudbiyeen dawladda hoose iyo xukuumaddaba oon ilaa hadda go’aamo ay raali ku noqdaan laga soo saarin.