Dawladda Ingiriiska Oo Lagu Dhalliilay Lacago Ay Ku Taageerto Somaliland
April 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph ayaa xukuumadda UK ku dhalliilay in ay cashuurta laga qaado bulshada Ingiriiska ay ku bixinayso maxkamado aanay xukunkoodu caddaalad sal ku lahayn oo ay kuwa Somaliland ku jiraan.
Wargeysku wuxuu sheegay in ay lacagtaas dawladda Ingiriisku si sir ah ugu bixiso maxkamado xukunkoodu mushkilad ku yahay xuquuqal iisaanka kuwaas oo kiisas yaryar wax weyn ka dhiga iyaga oo adeegsanaya la dagaallanka Argagixisada.