Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maalinta Beri Socdaal Ku Imanaya Berbera Iyo Tabashada Reer Saaxil Ee Xukunkiisa Oo Miiska Saaran
April 14, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maalinta bari ah safar kuyimaado magaalo xeebeeda ee Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu xadhiga ka jari doono Qalbaka waxna Rara Waxna Roga oo Casriya oo dekada Berbera Shirkada DP World kusoo kordhisay iyo sidoo kale mashaariic horumarineed oo dekada iyo Magaalada Berbera laga hirgaliyay kuwaas oo ay kamid yihiin jidadka laamiyada qurxoona ee maamulka Golaha Deegaanka Berbera ka hirgaliyay sharaacyada waaweyn ee magaalada Berbera iyo sidoo kale Dayactir balaadhan oo Baanka Dawlada ee Berbera lagu sameeyay.