Daawo Muuqalka”Sheekh Aadan Siiro Si Adag Uga Hadlay Dulmi Iyo Awood Uu Sheegay In Madaxweyne Muuse Biixi Qoyska Reer Xasan Dalab Kaga Qaadayo Dhul Ay Sadex Maxkamadood Hore Ugu Xukumeen
April 20, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada ay Ummadaha Muslimka ahi ka dhaxlaan Dulmiga, waxaanu ku baaqay in Bulshada Somaliland ka fogaato inay dhexdooda is-dulmiyaan.
Sheekhu wuxuu ka warramay sida Rasuulkeena Muxamed (CSW) uu Muslimiinta ugaga digay Dulmiga, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya “Waxaan si kooban uga hadlayaa waxa Dulmiga loo yaqaano iyo raadka uu ku yeesho Bulsho Muslimiin ah haddii aanay dulmigaa wax ka qabanin, Anigoo ku eegi doona waxa Toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacayey Magaalada Hargeysa.”