berberatoday.com
Dadka Ku Nool Deegaanada Gobol Sool Oo Si Adag U Saamaysay Abaartu Iyo Qorshaha Maamulka
April 22, 2019 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Shir lagaga hadlayo xaaladda abaareed ee Gobolka Sool iyo saameynta ay dadka ku yeelatay iyo sidii loogu gurman lahaa ayaa lagu qabtay magaalo madaxda Laascaanood.

Shirkan oo ay ka qayb galeen masuuliyiin Heer Qaran iyo Gobol isugu jirta ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Gobolka Sool Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, uu ka warramay xaaladda gobolkaasi iyo heerka ay marayso, waxaanu yidhi  “Waxaynu haatan ku jirnaa xilli adag oo dadka roobkii wuu ka daahay meel meel yar oo wax yar oo roob ahi uu helay mooyee, xaaladii degdega aheyd ee gobolku walise way taagan tahay oo abaartii baad iyo biyo la’aanta aheyd way jirtaa oo biyo dhaamiskii wuu socdaa, markaa waxaan leeyahay Hay’aduhu waa inay ka qayb qaataan hawlaha gurmadka dadweynaha”.

Dhinaca kalena, Wasiirka Horumarinta Biyaha JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa isaguna ka warramay xaaladda guud ee Gobolka Sool isagoo socdaal hawleed ku soo maray deegaano ka tirsan gobolkaasi, “Dhul badan ayaanu soo marnay oo baahi badani ka jirto, waxaana dabooli kara oo keliya ILAAHAY, laakiin intii aynu awoodi karno ayeynu ku tallaabsanaynaa aniga oo aan lahayn hay’aduhu wax kasta way qaban karaan, balse qorshe ayaa jira ah in aynu yeelano qorshe dhow iyo mid fog, arrinta degdeg ahina waxa weeyi inay jiraan dad dhiig joojin ah oo ay ugu mudan tahay biyo, waxaana laga yaabaa in la heli karo booyado biyo oo loogu gurmado”.

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay dadka ay saamaysay dhibaatada nololeed ee abaartu sababtay, “Dadka deegaanada aanu soo marnay ku aragnay ee nolosha adag ku nool waxay u badan kuwa u nugul dhibaatada ee kala ah Dumarka iyo Carruurta”. Ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Biyaha

Ugu dambayntii, Masuuliyiintan heer Qaran iyo heer Gobol waxay arrimahani kaga hadleen shir lagu qabtay magaalada Laascaanood oo lagaga hadlayey xaaladda abaarta ee gobolkaasi ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews