“Ciidamada Yube Jooga Gobolka Aad Odayasha Ka Tihiin Bay Nabadgelyadiisa U Joogan, Inaguna Iskuma Soo Duuli Karno oo Xoog Iskuma Muqunin Karno”.Madaxweyne Biixi
April 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo taabanaya ka jeediyey munaasibada hadhimo sharafeedka madax-dhaqameedka bariga Sanaag, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey salaadiinta, boqorrada iyo waxgaradka Sanaag Bari iyo Badhan kasoo jeeda ee Caasimadda soo gaadhay, waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay dhegaysiga tabashooyinka ay qabaan iyo xal u raadintoodaba.
Madaxweynuhu waxa uu talada iyo aqoonta taalla gobollada ay waxgaradkani kasoo jeedaan ay Somaliland oo dhammi u baahan tahay oo aan laga maarmi Karin, “Weftiga ka yimi bariga Sanaag waannu soo dhaweynaynaa, waxannu usoo dhaweynaynaa waa qayb kamid ah Somaliland oo aannu muddo kala maqnayn oo Ilaahay Maanta isu kaaya keenay, Somaliland-na maanta waxa ay u baahan tahay taladiinna, maskaxdiinna, waxtarkiinna, aqoontiinna iyo baayac-mushtarkiinna, waayo deegaanka aad ka timmaadeen Soomaalida oo dhan wuu ka tilmaaman yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.