Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga La Gelayo Imtaxaanaadka Shahaadiga Ah
April 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa Maanta waxay ku dhawaaqtay wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Cismaan Jaamac Aadan ayaa ugu horrayn shaaciyey wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadkaasi, waxaanu yidhi “15-ka bisha Junne ee sannadkan aynu ku jirno, 2019, ayaa imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoose/dhexe ama fasalka 8-aad iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare..”.
