Dawlada Saudi Arabia Oo Dil Ku Fulisay 37 Qof Iyo Danbiyada Loo Haystay
April 23, 2019 - Written by admin
Riyadh(Berberatoday.com)-Sucuudi Arabia ayaa maanta dil madax ka jarid ah ku fuliyey 37 qof oo u dhashay dalka Sucuudiga, kuwaas oo ku eedaysnaa dambiyo la xidhiidhay Argagixisonimo, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Sucuudigu Saudi Press Agency (SPA),.
Talaabadan dawlada Sucuudigu ay halka mar ay dilka ku fulisay ayaa dadkaasi loo haystay falalka Argagixiso-nimo, waxaanay noqonayaan tiradii ugu badnayd ee mar qudha dilka lagu fuliyey iyo ilaa bishii January 2, 2016-kii, xiligaas oo boqortooyada Sucuudigu ay dil ku fulisay 47 qof oo ku ku jiray wadaad shiico ah oo caan ahaa, kaas oo dilkiisa ay dibadbaxayo ka dhasheen saamayn ku yeeshay safaarada Sucuudigu uu ku leeyahay dalka Iran.