Wasiirka Gaashaadhiga Somaliland Iyo Taliya Ciidanka Millatariga Oo Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Itoobiya
April 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Qaranka S/G Nuux Ismaaciil Taani, iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada gaashaandhiga Maxamuud Cabdirisaaq, masuuliyiin ka kala socota hayada Axiom iyo taliska ciidanka Qaranka JSL ayaa qayb ka ahaa kulan kani ay yeesheen Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia Colonel Matt Munro, iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid).
Kulan kani oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan wasiirka cusub ee waasaaradda Gaashaandhiga JSL oo Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka weyn iyo wada shaqaynta balaadhan ee ka dhexeeya dawlada ingriiska iyo Jamuuriyada Somaliland.