Daawo Muuqalka”Gudoomiye Ciro Oo Cisbitalka Ku Booqdey Tifatiraha Bulsho Tv Khadar Macalin Deeq Oo Ciidamada Boolisku Ay Jidh Dileen Dhaawacyana Ugeysteen
April 25, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo shalay dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa uu isla maanta-ba cisbitalka Gargaar ee magaalada Hargeysa uu ku booqdey Saxafi Khadar Macalin Deeq Tifatirihii Bulsho Tv oo ciidamada Boolisku ay jidh dil u geysteen muddo afar cisho ah ka hor
Saxafiga ayaa dhawaac ka soo gaadhay misig-ta oo laba meelood dilaac ku yimid , waxaana uu gudoomiye Ciro alleh uga baryey in uu caafiyo oo uu nabar gar darro alleh uga dhigo
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan