Komishanka Xuquuqul Insaanka Oo Sheegay In Boolisku Iyo Suxufiyiintu U Baahan Yihiin Tababbaro
April 25, 2019 - Written by Berbera Today
“Booliska Iyo Warbaahintu Waxay U Baahan Yihiin Inay Isla Qabsadaan Oo Ay Wada Hadlaan Oo Midna Aanu Midka Kale U Qaadan Cadow, Waayo…”-Maxamed Baaruud
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland Mudane Maxamed Baaruud Cali, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska iyo Suxufiyiintuba ay tababbar u baahan yihiin xagga hab dhaqanka ah.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland Mudane Maxamed Baaruud Cali, ayaa arrintan kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey Bulsho TV, waxaanu Guddoomiyuhu ugu horreyn ka warramay qaladaadka ay ku kacaan Booliska iyo Suxufiintu iyo qorshay ay komishan ahaan ka leeyihiin, waxaanu yidhi “Qaladaad ayaa ka dhacaya dhinac walba haddii ay yihiin Ciidanka Booliska ama Warbaahinta, labaduba tababbar ayey u baahan yihiin, labaduba waxay u baahan yihiin inay isla qabsadaan oo ay wada hadlaan oo midna aanu midka kale u qaadan cadow, waayo annaguna Komishanka Xuquuqul Insaanka ahaan waxaanu ku gudo jirnaa tababbaro aanu siino waanay naga ogolaadeen Boolisku”.