Ruushka Oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Dalalka Soomaaliya Iyo Jabuuti
April 26, 2019 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu shalay soo saaray 2 Wareegto uu ku soo magacaabay Danjire ee Raashiya wakiilka uga noqon doona dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Macluumaadka Qaanuuniga ee dalkaasi waxaa Danjiraha cusub lagu magacaabaa Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof
Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof waxa uu tan iyo sannadkii 2013-kii ahaa Qunsulkii Guud ee Dowladda Raashiya u joogay magaalada Cinaabat ee Bariga dalka Algeria.