Baarlamaanka Ingiriiska Oo Su’aalo Ku Saabsan Doorashada Wakiilada Iyo Xaaladda Xuquuqal Insaanka Somaliland Weydiiyay Wasiirul Dawlahooda Khaarajiga
April 27, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(BErberatoday.com)-Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka wakiilada iyo Baarlamaanka iyo xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland.
Xildhibaan Gill Furniss ayaa weydiisay wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin laba su’aalood oo Somaliland ku saabsan oo kala ah talaabooyinka diblomaasiyadeed ee uu Ingiriisku qaadayo si loo taageero geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba talaabooyinka lagu taageeri karo xaaladda xuquuqal aadamaha ee Somailand.